Doob Xoogan Oo Loo Gaystay Goob Ganacsi Oo Ay Somali Ku Leedahay Koonfur Africa

0
285

Doob Xoogan Oo Loo Gaystay Goob Ganacsi Oo Ay Somali Ku Leedahay Koonfur Africa

Wali dalka koonfur Afrika waxaa ka socda Rabshado xooggan oo dhammaan gilgilay Magaalooyinka waa weyn ee dalkaaasi, waxaana saaka la arkayaa dad aad u badan oo bannaanbaxyo rabshado wata ka sameynaya waddooyinka iyo Magaalooyinka dalkaaasi.

Rabshadaha ka socda dalkaasi ayaa waxaa ay saameyn xooggan ku yeeshen Soomaalida ku ganacsata dalkaasi, waxaana jira cabsi xooggan oo soo food saartay dadka Soomaalida ee dalkaasi, iyagoo ka cabsi qaba in la bililiqaysto hantidooda.

Waxaa saaka xiran waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, Magaalada Pretoria waddooyinkeeda waa weyn ayaa xiran, waxaana ka mid ah waddooyinka ugu waa weyn magaladaasi oo ay ka mid yihiin Tsamaya iyo Simon Vermooten.

Ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa inoo xaqiijiyay in saaka Kumanaan ah tageerayasha Jacob Zuma ay meel walba joogaan, kuwaasi oo boob baahsan ka wadaan guud ahaan dalka, waxaana wararku intaas ku darayaan in boobku uu u socdo si aan la kala saarid lahayn.

Sidoo kale waxaa jira Ganacsato Soomaali ah oo isku dhiibay saldhigayda Booliska gobolka KwaZulu-Natal, si ay naftooda u bad baadsadaan, maaddaanma kooxaha rabashadaha wada aysan naf iyo maal toona dhaafeyn.

Si waliba waddooyinka qaar ayaa waxaa isku horfadhiya, Ciidanka Booliska dalkaasi iyo Tageerayasha Madaxweynahii hore Jacob Zuma, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ay sheegayaan in xaaladdu tahay mid cakiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here