Madaxweyne Amar Kasoo Saaray Isticmaalka Baraha Bulshada Ka Dib Markii Lagu Faafiyay Geeridiisa

0
251

Madaxweyne Amar Kasoo Saaray Isticmaalka Baraha Bulshada Ka Dib Markii Lagu Faafiyay Geeridiisa

Afhayeenka Ciiddanka Dembi-baarista Boliska Uganda,Charles Twiine waxa uu sheegay inay Xabsiga dhigeen Nin lagu eedeynayo inuu Baraha Bulshadda faafiyey war ku aadan inuu Madaxweyne Yoweeri Museveni geeriyooday.

Magaca Eedeysanaha waxaa lagu sheegay Jamiilu Sekyondwa oo ka soo jeeda Degmadda Luweero ee Bartamaha dalkaasi.

Afhayeenka waxa uu xusay inay hayaan caddaymo horseedi karta in Eedeysanaha la soo maxkamadeeyo.

Xariga Niignkaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweyne Museveni ku amray Ciiddanka Ammaanka inay si degdeg ah u soo xiraan dadka faafinaya warka been abuurka ee ku aadan Geeridiisa.

Madaxweynaha waxa kale oo uu u digay dadka wax ku qora Baraha Bulshada ee uu ku tilmaamay kuwo iska qora Wararka been abuurka.

Museveni oo ka hadlay Warka ku aadan Geeridiisa waxa uu sheegay in maalin uu dhagax dhigi lahaa Mashruuc laga hirgelinayo Deegaanka Bombo uu la yaabay dadka oo si argagax leh isaga u soo eegayo, maadaama ay Baraha Bulshada ka akhristeen warka ku aadan Geeridiisa.

Waxa uu ku amray Hay’addaha Ammanka inay dabagal ku sameeyaan, soona xiraan kuwa wararka beenta ku soo qora Warbaahinta Baraha Bulshadda.

Si kastaba ha ahaatee, Warka ku aadan Geeridiisa waxa uu noqday mid waddo-yaal ah oo ay dadka caadiga ah hadal-hayeen tan iyo dabaayaqadii bishii hore ee June, iyadoo Baraha Bulshadda oouu Facebook ka mid yahay laga mamnuucay dalkaasi.

Madaxweyne Museveni oo 76-jir ah waxa uu Talada dalka Uganda hayey tan iyo sanadkii 1986-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here