Dawladda Qatar oo War Kasoo Saartay Qaraxii uu ka bad baaday Taliye Farxaan

0
309

Dawladda Qatar oo War Kasoo Saartay Qaraxii uu ka bad baaday Taliye Farxaan

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay si kulul u cambaaraysay Qarixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Kolonyo uu la socday Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole, xilli ay marayeen meel ku dhow Isbitaalka Banaadir.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa lagu muujiyey mowqifka Adage ee Dowladda Qatar kaga soo horjeedo Rabshadaha iyo waxa ay ugu yeereen Argagixisadda, iyadoo aan loo eegaynin ujeedada falalkaasi.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa waxaa kaloo lagu xusay inay Qatar tacsi u dirayso qoysaska dhibanayaasha, DFS iyo Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi loo rajeeyey soo-bogsasho degdeg ah iyo Caafimaad.

Qaraxii shalay ka dhacay Caasimadda oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliye Farxaan Maxamuud Qaroole, balse uu ka badbaaday Taliyaha, hayeeshee uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku naf-waayay 5 qof oo shacab ah, halka 10 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad, waxaana Mas’uuliyada qaraxii lala beegsaday Taliye Farxaan sheegtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here