DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
257

DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Villa Baydhabo, kaasi oo jutiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa mid weyn ayaa waxaa la sheegay inuu loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana waxaa uu ku qarxiyay xili uu marayay wadada aada dhinaca Villa Baydhabo oo ay ku taallo Xarun ay leeyihiin Ciidanka Haramcad.

Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay qaraxaas, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay isku gadaamay oo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisbo oo warar hordhaca ah ay sheegayaan in lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Booliska Farxaan Maxamuud Qaroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here