Maxkamada Sare ee Sucuudiga oo War Kasoo Saartay Banka Carafa Iyo Maalmaha Ciida

0
264

Maxkamada Sare ee Sucuudiga oo War Kasoo Saartay Banka Carafa Iyo Maalmaha Ciida

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga waxay shaacisay in bisha Dul-Qacad maanta la kaamili doono 30-da, isla markaana ay berrito curan doonto bisha Dul-xaj ee sanadka Hijriyadda ee 1442-ka.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Maalinta Waquufka Banka Carafaat noqon doonto bishan July 19-da, halka maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa ama Carafo noqon doonto bishan July 20-da.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa waxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ugu baaqday dhamaan dadka Muslimiinta inay baadi-goobaan Bilashada Bisha Dul-Xaj oo la filayo in caawa la arko Insha Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here