Wasiiro Xilalkoodii Ku Waayey Dagaalka Lagula Jiro Kooxda Daaliban

0
299

Wasiiro Xilalkoodii Ku Waayey Dagaalka Lagula Jiro Kooxda Daaliban

Madaxweynaha dalka Afganistan, Ashraf Qaani ayaa waxa uu Xilalkii ka qaaday Wasiiraddii Difaaca iyo Arrimah Gudaha ee dalkaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Daaliban isbuucyadii la soo dhaafay qabsadeen in ka badan 40 Degmo oo ay horey Ciiddanka Dowladda u haysteen.

Wasiirkii hore ee Difaaca ee dalkaasi, Asadullaahi Khaalid oo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2018-kii ayaa waxaa lagu beddelay Jeneral Bismillaahi Khaan Maxamadi oo horey u ahaa Taliye la dagaalamay Kooxda Daalibaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Afganistan, Ashraf Qaani ayaa waxaa uu Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha u magacaabay Jeneral C/Sataar Mirzakwal oo horey u soo qabtay dhowr Xilal Heer Gobal.

Isbedelkan oo ay Barlamaanka dalkaasi ansixiyeen ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Saraakiisha Deegaanka shalay sheegeen inay Kooxda Daalibaan ay qabsadeen ugu yaraan 6 Degmo tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here