Xisbi Mucaarad Ah Oo Ku Guuleystay Duqa Magaalada Laascaanood

0
232

Xisbi Mucaarad Ah Oo Ku Guuleystay Duqa Magaalada Laascaanood

Waxaa saakay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha degmadaas iyo ku-xigeenkiisa oo ay ku tartameen Musharaxiin ka kala socday saddexda Xisbi ee Somaliland.

Xubanaha Golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa Guddoomiyaha cusub ee degmadaas u doortay inuu noqdo Cabdikariin Cali Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Waddani ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka degmada u doortay Axmed Maxamed Cumar (Kawte), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana labada Mas’uul ay heleen codad badan.

Dhawaan ayey aheyd markii labada Xisbis ee Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani oo ay kala guddoomiyaan Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ay sameeysteen Isbaheysi siyaasadeed oo looga soo horjeeda Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi.

Ammaanka Xarunta lagu qabanayay Doorashada Guddoonka cusub ee Golaha deeganka Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay afaafka hore ee Xarunta Ciidamo Boolis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here