Weriye ka shaqeynayay gobolka Tigray oo xabsiga loo taxaabay

0
267

Weriye ka shaqeynayay gobolka Tigray oo xabsiga loo taxaabayWeriye ka shaqeynayay gobolka Tigray oo xabsiga loo taxaabay

Milatariga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Girmay Gebru, oo u shaqeeya laanta Tigranya ee BBC-da ayaa laga qabtay mukhaayad ku taalla caasimadda gobolkaasi ee Mekelle isaga iyo afar kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag xiran dharka milatariga ay kaxeysteen shantaasi qof.
Ma cadda sababta loo xiray raggaasi. Waxaana wararka sheegaya in raggaasi loo qaaday xero milatari oo ku taalla Mekelle.

Gobolka Tigray ayaa waxaa gacanta ku hayay milatariga tan iyo bishii Nofeembar ka dib markii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed amray in milatariga ay xukunka ka tuuraan kooxda TPLF ee maamulayay gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here