Madaxwayne Farmaajo Oo Mar Kale Shir Iskugu Yeedhay Madaxda Maamul Goboleedyada

0
297

Madaxwayne Farmaajo Oo Mar Kale Shir Iskugu Yeedhay Madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu markale shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yidhi” Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo hal maalin soconaya ayaa waxaa uu ka qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad wayn siinaysao hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.

15-kii Bishii febaraayo ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu iclaamiyay inay shir isugu yimaadaan Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir, hayeeshee shirkaasi uu baaqday, kadib markii ay baaqaas u hoggaansami waayeen Madaxweynayaashas Puntland & Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here