Madaxweynaha Israel oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka wadanka Imaaraadka Carabta

0
282

Madaxweynaha Israel oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka wadanka Imaaraadka Carabta

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Israel Mohamed Al Khaja ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin.

Madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin ayaa si rasmi ah u qaabilay safiirkii ugu horreeyay abid ee ka socda Imaaraatka, ka dib heshiiskii ahaa ee sanadkii hore ay wada galeen dalalkan si loo hagaajiyo xiriirka.

Khaja ayaa ku qoray bartiisa Twitter-ka, “Waxaan maanta u imid Tel Aviv anigoo ah Safiirkii ugu horeeyay ee Imaaraatka u fadhiya Israel waxaan la kulmay Gabi Ashkenazi, Wasiirka Arimaha Dibada ee Israel, waxaan ka wada hadalnay kor u qaadida xiriirka labada dal tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Abraham, sidoo kale iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan. ”

Khaja waxa kale oo uu yiri, “Maanta, waxaan sharaf u yeeshay in aan waraaqahayga aqoonsiga u gudbiyo Mudane Reuven Rivlin, Madaxweynaha Israa’iil, aniga oo noqday Safiirkii ugu horreeyey ee Imaaraadka u fadhiya Israel. Waxaan rajeynayaa inaan matalo dalkayga aan jeclahay oo aan ka shaqeeyo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labadeena dal. ”

Imaaraadku wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee ogolaada inuu xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed la yeesho dowladda Yuhuudda sida uu dhigayo heshiiskii Abraham, heshiiskaas oo uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Heshiiska ayaa ka dhigay dalka Imaaraadku inuu noqdo dalka saddexaad ee Carbeed ee xiriir rasmi ah la sameeya Israa’iil, kadib Masar 1979 iyo Jordan 1994.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here