DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

0
408

DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo warar la helayo ay sheegayaan inuu ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Xamarweyne ee Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la xiray goobta, iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Booliska dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here