Madaxweyne Joe Biden Oo Wada-Hadal La Yeeshay RW Boris Johnson

0
313

Madaxweyne Joe Biden Oo Wada-Hadal La Yeeshay RW Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa wada hadal dhanka taleefanka habeenkii xalay aheyd la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

Boris ayaa sheegay in ay horay u sii wadi doonaan oo ay adkeyn doonaan xiriirka iyo isbaheysiga guunka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Waa wadahalkii ugu horeeyay oo ay yeesheen labada hogaamiye tan markii la dhaariyay arbacadii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay oo bogaadiyay go,aanka uu madaxweyne Biden

Mareykanka dib ugu celinayo heshiiska cimilada ee Paris iyo heyada caafimaadka aduunka WHO taas oo Donald Trump uu ka saaray Mareykanka.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimada iyo faa’iidada ganacsiga xorta ah uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here