Dad Loo Soo Qabtay Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Puntland

0
290

Dad Loo Soo Qabtay Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Puntland

Waxaa habeenkii xalay aheyd Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland lagu qabtay rag u badan dhalinyaro, kadib howlgal qorsheysan oo laamaha amniga ka saameeyeen halkaas.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa ragga ay howlgalka ku qabteen uga shakiyay inay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo hebeen horey Gaalkacyo lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Maamulkaas oo waday howlgal roondo ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in dadkaas la qabtay xiligaan lagu wado baaritaano kala duwan, isla markaana ciddii ay ku cadaato falkii loo qabtay sharciga laga horgeyn doono, in kastoo aan la cadeyn tirada dadka.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in weli xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan howlgalo lagu raadinayo rag kale oo la tuhmayo inay fuliyeen falal amni darro ah oo halkaas ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii miino ee hebeen horey ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaas ku geeriyooday laba qof oo mid Askari uu ahaa, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here