Uganda oo sheegtay inay weerar ku dishay 189 Alshabaab ah

0
367

Uganda oo sheegtay inay weerar ku dishay 189 Alshabaab ah

Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa ku diley illa 189 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab,iyadoo weerarkan lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu weynaa ee ciidamada UPDF ka fuliyeen dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada UDPF Col Deo Akiiki ayaa sheegay shalay in weerarkan uu ka dhacay tuulada Siigaale oo koofurgalbeed kaga beegan caasimada Muqdisho ilaa 99.5 KM.

“Weerarkan ayaa si kala gaar gaar ah loogu qaaday Sigaale,Adimo iyo Kayitoy oo ku dhow Janaale gobolka Sh/hoose waxaana ay ciidamadu dileen 189 Alshabaab ah waxayna burburiyeen hub faro badan.”ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale weerarkan ayuu ku sheegay afhayeenku in lagu burburiyay labo gadiidka dagaalka ah iyo mootooyin ay isticmaalayeen Alshabaab.

“Meel keyn ah oo lagu magacaabo Doncadaafeedow oo 7km galbeed ka xigta Janaale ayay ciidamada UPDF ku kala eryeen dagaalayal Alshabaab ka tirsan oo halkaa ku shirayay waxayna ku dhaawaceen qaar badan oo ka mid aha sarakiisha shirka ka qeybgalayay,”

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca kuwaasoo ay bilaabeen haatan inay adeegsadaan ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here