Dowladda Turkiga Oo Digniin Culus U Dirtay Midowga Yurub

0
287

Dowladda Turkiga Oo Digniin Culus U Dirtay Midowga Yurub

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa uga digay Midowga Yurub inay sii wadaan go’aanka cunaqabateynta lagu saarayo Ankara, kaasi oo ay meel mariyeen bishii Diseembar ee sanadkii tagay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Oglo ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Michel.

Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

Dhanka kale Wakiilka Turkiga ee Yurub ayaa ku wareejiyay madaxda hay’adaha Yurub casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay u soo booqdaan dalkiisa, si logu soo bandhigo dalabyada Ankara ee ku aaddan horumarinta xiriirka Midowga Yurub.

Sarakiil ka socotay Turkiga ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, kaasi oo ku dhiirrigaliyay Ankara inay xalliso khilaafaadka kala dhexeeya Giriigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here