Ciidamada liyuu boolis Oo Kaxeystay Rag Ay Dhawaan Ka Soo Qabsadeen Gudaha Soomaaliya

0
327

Ciidamada liyuu boolis Oo Kaxeystay Rag Ay Dhawaan Ka Soo Qabsadeen Gudaha Soomaaliya
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Feer Feer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidmada liyuu Boolis ay Magaaladaasi Feerfeer ka qaadeen Laba Muwaadin oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhawaan Ciidamada Liyuu booliska ay ka xireen Xadka dhanka Soomaaliya.

Labada ragga ah ayaa Waxaa maalmahaan ay ku xirnaayeen Xabsi ku yaal Magaalada Feer feer, waxaana mid kamid ah uu yahay Askari kaTirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Guutada 5aad ee qeybta 27aad, iyada oo markii la xirayay uu fasax ku jiray Degaanada Xadka ku yaala oo ay reerkiisa Deganaayeen halka qof kale u ahaay beeraleey meesha Beer ku lahaay.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa isku dayay inu Maamulka Feerfeer kala hadlo arinta raggaas hayeeshee dhanka Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiye kama jawaabin hadalka Maamulka taasoo ugu dambeeyn ay wateen Ciidmada liyuu Boolis.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhawaan sheegay in Ciidmada liyuu Boolis ay dhibaato ka wadaan meelo kamid ah Gobolka Hiiraan, isla markaana ay afduubteen dad Soomaali ah, taasina aysan ka aqbaleyn.

Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle weli kama hadlin xariga ay Ciidmada liyuu Boolis ay u geysteen labada ruux ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ugu dambeyn loo kaxeystay Gudaha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here