Joe Biden Oo Loo Dhaariyay Madaxweynaha 46-Aad Ee Mareykanka Iyo Caqabado Uu Wajahayo

0
304

Joe Biden Oo Loo Dhaariyay Madaxweynaha 46-Aad Ee Mareykanka Iyo Caqabado Uu Wajahayo

Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, kaddib markii daqiiqado ka hor loo dhaariyay xilka.

Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

Waxaa sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka loo dhaariyay Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay ee abid jagadaas loo dhiibo, sidoo kalena ah madow.

Biden ayaa tartankii doorashada ee dhacay bishii November uga guuleystay Donald Trump oo 4 sano madaxweyne soo ahaa.

Khudbad uu jeediyay Biden markii xilka si rasmi ah loogu wareejiyay kaddib ayuu ku sheegay “in uu ka shaqeyn doono horumarinta Mareykanka iyo mideynta shacabka”.

Wuxuu wacad ku maray in uu ilaalin doono dimuqraaddiyadda, wax dhib ahana aysan jiri doonin haddii la kala fikir duwanaado.

Ddkii aan u codeynin ayuu ka codsaday in ay fursad ay ku dhageystaan siiyaan maadaama uu isagu madaxweynaha yahay.

Inta uu khudbaddiisa waday wuxuu ka qeyb galeyaasha ka dalbaday in daqiiqad aamusnaan ah lagu qaddariyo dadkii u dhigtay cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here