DEG DEG : Madaxweyanaha Somaliland Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

0
507

DEG DEG : Madaxweyanaha Somaliland Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida Golihiisa Wasiirada .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed

Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf

Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka

Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed

Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan

Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xiriirka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda
Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka
Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha;

Waxaan Go’aamiyey;

In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baarista Beeraha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaad Arkay: Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baarista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka
Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
Madaxa Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka
Magacaabid: Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

MarkaanArkay: Qodobka 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaad Arkay: Muhiimadda ay Leedahay in Qaranku Yeesho Guddi Tacliineed oo Qaabilsan Tayaynta Tacliinta Sare ee Dalka;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Saleebaan Dirir Cabdi Guddoomiye
Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) Guddoomiye Ku-xigeen
Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare
Dr. Maxamed Cabdillaahi Dagaal Xubin
Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Xubin
Yuusuf Maxamed Cabdi Xubin
Xamda Cabdi Faarax Xubin
Magacaabid: Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Guddoomiye
Sahra Aadan Yuusuf Xirsi Guddoomiye Ku-xigeen
Cabdiraxmaan Muuse Cabdi Cali Agaasime Guud
Magacaabid: Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay Qaranka u Leeyihiin Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Faysal Sahal Jaamac Siciid Guddoomiye Ku-xigeen
Cumar Sheekh Cabdillaahi Ciise Xubin
Cabdifataax Maxamed Axmed (Dayib Guray) Xubin
Siciid Jaamac Raabbi Xubin
Maxamed Axmed Xasan Jabarti Xubin
Waxa aan u mahad-celinayaa masuuliyiintii hore ee xilalka Hay’adda Shaqaalaha hore u hayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here