Wararkii u dambeeyay kulankii Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

0
291

Wararkii u dambeeyay kulankii Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Kulan saacado badan qaatay ayaa xalay waxaa uu Hotelka Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha waxaa uu ku dhex maray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan ayaa looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo is mari waaga ka taagan, iyadoo si adag looga dooday go’aankii Xukuumadda ee ay qeybta ka ahaa saddexdan dowlad Goboleed ee ku saabsanaa in la guda galayo doorashada.

Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay su’aallo weydiiyeen Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada saddexda ah, waxaana ay u caddeeyeen in aanay suura gal noqon karin in dalka doorasho ka dhacdo iyadoo ay maqan yihiin dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, sidaas darteed loo baahan yahay in xal la gaaro, si doorasho heshiis lagu yahay dalka uga dhacdo.

Dood dheer kaddib Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran, isla markaana uu raadin doono dhinaca maqan, si la isugu soo dhowaado.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa iyana waxay hordhigeen Musharaxiinta dalab ku saabsan inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen, hayeeshee shalay Musharax Daahir Geelle uu sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha ku jira Guddiga ee ka tirsan NISA.

Waxaa kaloo loogu baaqay Musharaxiinta inay kala hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay soo magacaanaa Guddiyada doorashada oo aanay weli soo gudbin, si loo ambaqaado howsha doorashada.

Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ku go’aantay in la guda galayo doorashada ayaa midowga Musharixiinta, gudoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen go’aankaas, waxaana ay ka digeen inuu halis galo midnimada dalka in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here