Murashax Dr Axmed Xuseen Adan Oo Shaaciyey In Uu Golaha Deegaanka Laascaanod u Sharaxanyahay

0
665

Murashax Dr Axmed Xuseen Adan Oo Shaaciyey In Uu Golaha Deegaanka Laascaanod u Sharaxanyahay

Beesha (Madhibaan) Gabooye oo ka mid ah beelaha waaweyn ee dega gobolka Sool Sanaag iyo Cayn ayaa Xalay kulan ay ku Taageerayaan Musharax golaha deegaanka degmada Laascaanood ku soo bandhigay Dr Axmed Xuseen Aadan musharax Xildhibaan ay u doorteen inuu u metelo booska metelaada Beelnimo ee Golaha deegaanka degmada Laascaanood oo aanay wax metelaad horey ugu lahayn.

Beeshan ayaa ugu baaqdey Beelaha gobolka Sool in ay codka siiyaan muaharaxooda maadaama ay kuwii hore iyagu ay dhisi jireen Xilehibaadanasa Beelaha kale.

Dr Axmed Xuseen Aadan waa aqoonyahan ka shaqeeya Cusbitaalka FAYO Hospital ee magaalada Laascaanood waxaa uu bartay Cilmiga Caafimaadka waxaa Beeshiisa iyo beelaha kale ee dega gobolka Sool ka codsadey in ay siiyaaan codkooda.

Beesha Gabooye ayaa ah Beesha ugu Taariikhda dheer Somalia sida ay qoree Taariikhyahanada waweyn ee Soomaaliyeed waana shaqan Aoo Jireen ah oo wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here