Diyaarado Sida Ciidamo Badan Oo Ka Degay Magaalada Baladweyne Iyo Ujeedka

0
308

Diyaarado Sida Ciidamo Badan Oo Ka Degay Magaalada Baladweyne Iyo Ujeedka

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa arroortii horey ee saakay ka degay diyaarado siday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa ku warramay in saddex diyaaradood oo siday Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Haramcad ay ka degeen Garoonka Ugaas Khilaaf, kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo ah kuwo hubeysan oo gaarayay 200 ayaa waxaa la sheegay in Baladweyne ay geeysay dowladda Federaalka, isla markaana ay sugi doonaan amniga Magaaladaaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceyeen banaanbaxyo rabshado watay.

Sidoo kale Ciidanka Booliska Haramcad ayaa Saldhigyo iyo difaac ka saameysan doona gudaha Magaalada, waxaana Garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka Baladweyne loo geeyay Ciidamada Booliska Haramcad uu yahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaanada Hirshabeelle oo halkaas ka dhaceysa.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo shalay Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, isla markaana kulan looga hadlaayay doorashada dalka ka qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here