Masjid Ay Dhiseen Asxaabtii Nebiga NNKH Oo Dayactir Lagu Sameeynayo

0
286

Masjid Ay Dhiseen Asxaabtii Nebiga NNKH Oo Dayactir Lagu Sameeynayo

Dowlada Fedeeraalka Itoobiya ayaa balan qaaday in ay dhisi doonta masjidka qadiimiga ee boqor Al Nejashi kaas oo ku yaalla gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya isla markaana waxyeelo ka soo gaartaya dagaalkii u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo TPLF.

Sidoo kale waxaa la boobay agab badan oo masjidka iyo xafiisyadiidsa yaalay.

Itoobiya waxay sheegtay in koox quburo dhanka dhismaha ah ay u direyso qiimeynta dhibaatada gaartay masjidka taariikhiga ah isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonto.

Masjidkan oo ku yaala magaalada Wukro oo 800 Km u jirta Caasimadda Adis Ababa waa masjidkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika laga dhiso.

Sidoo kale, waa halkii ay u hijroodeen saaxabadii rasuulka NNKH ka hor hijradii Madina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here