Haweenay Xildhibaanad Oo Sheegtay Inay Baaskoolad La Tageyso Kongareeska Mareykanka

0
382

Haweenay Xildhibaanad Oo Sheegtay Inay Baaskoolad La Tageyso Kongareeska Mareykanka

Haweeneyda dhowaan loo doortay Kongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in bistooladdeeda ay la tagayso Kongareeska Mareykanka.

Muuqaal la soo bandhigay Axaddii, ayaa wuxuu muujinayaa Lauren Boebert oo Jamhuuriga ka tirsan oo cabbeysaneys,  isla markaana xiraneysa bistoolad, iyadoo kaddibna la dhex mareysa waddooyinka magaalada Washington.

“Waxaan bistooladdeyda ku dhex qaadan doonaa DC iyo Kongareeska,” ayay ku tiri muuqaalka, oo la daawaday in ka badan labo milyan oo jeer.

Balse taliyaha booliiska magaalada ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Ms Boebert uu kala hadlo shuruucda adag ee ka taalla qaadashada hubka.

Ms Boeber ayaa magaalada Rifle ee Colorado ku leh maqaayad lagu magacaabo Shooters Grill, taas oo shaqaalaha ku dhiirrigelisa inay soo qaataan hub, maaddaama uu oggol yahay sharciga gobolka.

Arrinta xuquuqda hubka ayaa qeyb weyn ka ahayd ololaheedii doorashadii dhacday bishii November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here