Dubbe “Mowqifkii DFS Ka Qaadatay Khilaafkii Sacuudiga Iyo Qatar Wuxuu Ahaa Mid Laga Fiirsaday”

0
309

Dubbe “Mowqifkii DFS Ka Qaadatay Khilaafkii Sacuudiga Iyo Qatar Wuxuu Ahaa Mid Laga Fiirsaday”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe ayaa sheegay in dowladda Federaalka aad uga fiirsatay mowqifkii ay ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex-galay Sacuudiga iyo Qatar sanadkii 2017.

Wasiir Dubbe oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in mowqifkaas uu ahaa mid dhex-dhexaadnimo oo u adkeystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana go’aankaas uu ku tilmaamay mid cadaalad ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in qalada ay tahay in la kala raaco dowladdo deris ah oo khilaaf soo kala dhex-galay, wuxuuna caddeeyay in go’aankii Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar uu ahaa dhex-dhexaadnimo ah.

“Mowqifkii dowladda ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar wuxuu ahaa mid aad looga fiirsaday, Madaxweyne Farmaajo aad ayuu ugu adkeystay Mowqifkaaas dhaxdhaxaadnimada ahaa ee la qaatay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda.

Dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar ayaa heshiis ka gaaray khilaaf sanno ka dhexeeyay, isla markaana Sacuudiga uu ku dhawaaqay inuu furay xuduudka Cirka, Dhulka iyo Badda ee uu la lahaa Qatar, waxaana shalay Caasimadda Sacuudiga gaaray Amiirka dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here