Dowlada Turkıga Oo Qaraxyada Lala Beegsado Injineeradeeda Muqdisho Kulan ka Yeelatay

0
376

Dowlada Turkıga Oo Qaraxyada Lala Beegsado Injineeradeeda Muqdisho Kulan ka Yeelatay

Waxaa maalintii shalay aheyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga kulan ku yeeshay Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga Mevlut Cavusoglu iyo Milkiilaha Shirkadda laga leeyahay dalkaas ee gacanta ku heysata dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Qaraxii maalmo kahor deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho lagula eegtay Injineerada Turkida ah ee dhineysa wadada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Injineerada.

Milkiilaha Shirkadda Hidayet Zorlu ayaa Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga u sheegay in dhowr jeer shaqaalahooda lagu qarxiyay Muqdisho, isla markaana shaqaalaha qaarkood ay qaraxyada ku geeriyoodeen, halka kuwo kalena dhaawacyo kala soo gaareen.

Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga Mevlut Cav ayaa ka tacsiyeeyey geerida Injineeradii labada ahaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Lafoole, isagoo Caafimaad u rajeeyay ku dhaawacyada soo gaareen, wuxuuna caddeeyay in aad uga xun yihiin weeraradaas.

Ugu dambeyn Milkiilaha Shirkadda dhiseysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afooge Hidayet Zorlu ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhimaha wadada oo haatan meel gaba-gabo ah mareysa, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay Injineeradii dhaawacmay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii maalmo kahor deegaanka Lafoole ka dhacay, isla markaana lala beegsaday Injineero Turki oo dhisayay wadada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana halkaas shaqaalaha lagu qarxiyey dhowr jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here