Jadwalkii labaad ee Guddiga doorashada lagu muransan yahay oo qarka u saaran inuu dhaqan geli waayo

0
318

Jadwalkii labaad ee Guddiga doorashada lagu muransan yahay oo qarka u saaran inuu dhaqan geli waayo

Jadwalkii labaad ee ay maalmo ka hor soo saareen Guddiga doorashada lagu muransan yahay ee heer Federaal ayaa mar kale qarka u saaran inuu fashilmo oo uu dhaqan geli waayo.
Guddiga doorashada heer Federaal ayaa 29-kii bishii December ee sanadkii hore 2020 waxay shaaciyeen inuu is bedel ku yimid jadwalkii doorashada Aqalka Sare ee loo balansanaa inuu dhaco inta u dhaceysa 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021.

Jadwalka labaad ee ay soo bandhigeen Guddiga lagu muransan yahay ayaa ahaa waqti kordhin loo sameeyay mudada qabashada codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana la gaarsiiyay illaa 5 Janaayo 2021.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa u daliishaday is bedelka ku yimid jadwalkii hore uu ka dambeeyay markii codsi uga yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ahaa in mudada waqtiga doorashada Aqalka Sare dib loogu dhigo waqtiga loo asteeyay.

Maanta oo ah 5 Janaayo 2021 ayay ku egtahay mudadii Guddiga ay sheegeen in la qabanayo codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana looga dalbaday Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay soo gudbiyaan Liiska Tartamayaasha Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa uu Guddiga horay u sheegay in doorashada Aqalka sare ay dhici doonto 7-14 Janaayo 2021, oo labo cisho ay ka harsan tahay, waxaana muuqata in aanay dhaqan geli karin.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka mid ah maamulada taageersan Villa Somalia ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo kala hadlaya Madaxweyne Farmaajo arrimaha doorashada iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka taagan hannaanka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here