Wadamada Khaliij-Ka Oo Ku Heshiiyey In La Soo Afmeero Go’doominta Qatar

0
423

Wadamada Khaliij-Ka Oo Ku Heshiiyey In La Soo Afmeero Go’doominta Qatar

Waxaaa soo baxaya in guul wax ku ool ah laga gaaray wadaxaajood Maraykanku ku luglahaa oo la doonayey in lagu soo afmeero khilafka wadamada Sucuudigu hogaaminayey kala dhexeeyey Qatar oo ay go’doomin dhinac walba ah ku soo rogeen bartamihii 2017-da, waxaana lagu wadaa in Sucuudiga lagu saxiiso maalinta Talaadada heshiis rasmi ah oo colaadaasi lagu soo afmeerayo, sida uu sheegay sargaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters sargaalkan oo aan magiciisa la sheegay ayaa si rasmi ah u sheegay in khilaafkaasi hadda laga gaaray xal, wax walbana ay ku soo laaban doonaan sidii ay ahaayeen khilaafka ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt Axmed Naasir Al-sabaax ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii sanadaha lagu hayey Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono.

Dawladaha Sacuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn, iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi, iyo safarba ku soo rogay Qatar bartamihii sanadkii 2017-dii iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, balse Qatar way beenisay waxayna sheegtay in xayiraadaasi looga gol leeyahay in lagu wiiqo madaxbanaanideeda.

Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinaca dhulka iyo Badda ay la wadaagto wax dhaqaqaaq ah kama jirin.

Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay Talaadada berri ah ku shiraan Sacuudi Carabiya halkaas oo ay ka dhici doono shir sanadle ah oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here