Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Dalalka Sucuudiga Iyo Qadar

0
344

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Dalalka Sucuudiga Iyo Qadar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiskii xalay ay wada gaareen dowladdaha Qatar iyo Sacuudiga, kadib markii dowladda Kuweyt ay ku guuleysatay inay dhex-dhexaadiso labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweyneyso waan-waanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda oo ay faafisay Madaxtooyada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here