Gabar La Sheegay In Lagu Dhex Gowracay Guriga Wiil Uu Dhalay Wasiir Ka Tirsan Somaliland

0
852

Gabar La Sheegay In Lagu Dhex Gowracay Guriga Wiil Uu Dhalay Wasiir Ka Tirsan Somaliland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in Guri ku yaalla halkaas lagu dhex gowracay Gabar dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qaar kamid ah Ehelada Gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Gabadhooda lagu dhex gowracay Guriga wiil uu dhalay Wasiirka Wasaaradda qorsheysan Somaliland.

Sidoo kale  Ehelada oo ahaa kuwo cadeysan ayaa Madaxweye Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday in si deg deg ah Cadaalada loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilka gabadha oo kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hooyada dhashay Gabadha la gowracay ayaa tilmaamtay inay horey sidaan oo kale Magaalada Hargeysa loogu dilay Gabar reer jigjigo ah, isla markaana aysan jirin cid arrintaas kala hadashay ama kaga tacsiyadeysay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland oo ku saabsan wararka sheegaya in guriga wiil uu dhalay Wasaaradda qorsheysan Somaliland  lagu dhex gowracay Gabar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here