Abiy Ahmed oo 72 saacadood u qabtay inay isku dhiibaan Maamulka TPLF

0
284

Abiy Ahmed oo 72 saacadood u qabtay inay isku dhiibaan Maamulka TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa maamulka iyo ciidamada Tigreega u qabtay 72 saacadood inay isku soo dhiibaan dowladda, iyadoo Ciidamada dowladda Itoobiya ay ku wajahan yihiin magaalada Maqale ee Caasimadda Tigreega.

Abiy Ahmed ayaa u sheegay in hoggaanka Tigreega ay marayaan meel aan laga noqon karin, isla darteed ay u furan tahay inay is dhiibaan.

Waxaa uu ugu baaqay TPLF inay si nabad isku soo dhiibaan, sidoo kale dadka ku nool magaalada Maqale ayuu ka codsaday inay taageeraan Ciidamada dowladda.

Xooggaga Tigreega ayaa sheegay in aanay is dhiibi doonin oo ay dagaalka sii wadayaan.

Milateriga Itoobiya ayaa sheegay in madaafiic ku weerarayaan magaalada Maqale, waxaana ay ugu baaqeen shacabka inay ka qaxaan magaalada.

Dagaalka ka socda Gobolka Tigreega ayaa galay muddo saddex todobaad, waxaana ku barakacay kumanaan kun oo ruux oo u qaxay Xuduuda dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here