Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somalia Oo Soo Gaaray Muqdisho

0
357

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somalia Oo Soo Gaaray Muqdisho

Waxaa saakay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soo gaaray Wasiirka Cusub ee Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo dhawaan loo magacaabay xilkaas.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirka Cusub uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo u horreeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo diblomaasiyiin kale.

Wasiir Cawad oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta ay soo dhaweeynaya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo khamiistii lasoo dhaafay uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maalmaha soo socda ayuu si rasmi ah xilka ula wareegi doonaa Wasiir Maxamed Cabdirisaaq, isagoona bedelaya Axmed Ciise Cawad oo ahaa Wasiirkii Arrimaha dibadda Xukuumadda horeyna uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wasiir Cawad u magacaabay Safiir, hayeeshee Qoraal uu soo saaray Wasiir hore Cawad ayuu ku diiday xilkaas loo magacaabay oo aan la shaacin waddanka uu ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here