Maraykanka oo Liiska Argagaxisada ka qaadayo dalka Suudaan

0
326

Maraykanka oo Liiska Argagaxisada ka qaadayo dalka Suudaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Suudaan uu ka saari doono liiska dowladaha taageera argagixisada haddii ay bixiso magdhow dhan 335 milyan oo dollar.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook oo ka jawaabaya ayaa yiri dhaqaalihii waa la wareejiyay laakiin ma jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in Mareykanku si deg deg ah u helay.

Suudaan waxay ku jirtay liiska tan iyo 1993 markii hogaamiyaha al-Qaacida Cusama Bin Laden uu halkaas ku noolaa isagoo marti u ahaa dowlada.
Magdhowgu wuxuu la xiriira qaraxii al-Qaacida ee safaaradaha Mareykanka ee Afrika sanadkii 1998.

Weerarradii ka dhacay Tansaaniya iyo Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 220 qof, lacagta magdhawga ahna waa in la siiyaa “dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska”, ayuu yiri Mr Trump.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Suudaan ayaa soo fiicnaanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay dalkaas sanadkii hore. Mr Bashiir wuxuu xukumayay wadanka Suudaan ee ay colaaduhu ragaadiyeen muddo 30 sano.

Ka saarista Suudaan liiska madow waxay noqon doontaa war aad looga soo dhoweeyo dalka, halkaas oo cuntada, shidaalka iyo daawadu ay qaali yihiin oo ay gabaabsi yihiin.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Donald Trump sidaan ku yiri: “War wanaagsan! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay iney 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska.

“Marka la ii shubo, waxaan ka saari doonaa Suudaan liiska dowladaha taageera Argagixisada. Ugu dambeyntiina, waa caddaaladda dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaado Suudaan!”

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu awood u leeyahay inuu Suudaan ka saaro liiska wadamada taageera argagaxisada ,aqalka wakiiladuna waxaa uu haystaa 45 cishe uu wax kaga yiraa talaabadaan.

Suudaan ayaa hadda ka mid ah afar dal oo ay ka mid tahay Iiraan ,waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya oo ku jiira liiska madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here