Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Dalka Kenya

0
424

Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Dalka Kenya

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barre ee dalkaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafeey oo ay Saldhig Ciidan ku leeyihiin Kenya, waxaana weerarka kadib halkaas ka dhacay dagaal kooban oo muddo socday.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray Ciidanka la weeraray, waxaana dadka  deegaanka Lafeey ay ku warrameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Khadka ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda Kenya ay ku dhaawaceen Saddex Askari oo xiligaas ku sugnaa gudaha Saldhiga.

Dhinaca weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barre ee dalkaas oo ay uga hadlayaan weerarka ka dhacay deegaanka Lafeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here