Facebook Iyo Twitter Oo Qariyay Farriin Trump Uu Soo Dhigay Oo Ku saabsan Covid-19

0
494

Facebook Iyo Twitter Oo Qariyay Farriin Trump Uu Soo Dhigay Oo Ku saabsan Covid-19

Facebook ayaa tirtay farriin madaxweyne Trump uu ku sheegay Covid-19 inuu ka ‘halis yar yahay’ hargabka.

Mr Trump ayaa haatan ku sugan aqalka cad kaddib marki seddex maalmood uu ku jiray isbitaal oo laga dabiibay faayraska corona ee laga helay.

Wuxuuna farriintiisa uu ku qoray Mareykanka inuu bartay ‘sida loo noolaan karo xilliga hargabka’, sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!”

Twitter-ka ayaa sida oo kale farriintaasi lafteeda qariyey iyada oo sheegtay “iney farriintaasi marin habaabineyso bulshada farriin khaldanna ay gudbineyso”.

“Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay,” ayuu yiri Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook.

Tirada rasmiga ah ee xaddiga dhimashada ee Covid-19 lama oga, balse waxaa loo maleynayaa iney aad uga sarreyso noocyada hargabka, suuragalna ay tahay 10 jeer ama ka badan iney ka badan tahay, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins.

Facebook ayaa sheegay madaxweynaha inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan, baraha nulshadana ay mas’uul ka ahayn waxayaabaha ay bogaggooda soo dhigaan macamiishooda.

Balse shirkaddu wuxuu sharicgu u fasaxayaa iney faraha la gasho “ayna tirto ama xayirto”, farriimaha ay u aragto iney xambaarsan yihiin aflagaaddo, xadgudub ama colaad.

Sharcigaasi haddii lagu xadgudbana, baraha bulshada waxay wajihi doonaan dacwado la xiriira iney wax ka beddeleen ama isbeddelka ay ku sameeyeen waxa uu qofka isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay.

Facebook iyo marki labaad
Waa marki labaad oo ay Facebook tirto farriin uu madaxweynaha soo dhigay. Twitter ayaase marar badan sameysay iney tirto ama ay digniin u dirto madaxweynaha farriimo uu bartiisa soo dhigay awgood.
Labadaasi shabakadood ee baraha bulshada ugu waaweyn ayaa wacad ku maray iney la dagaallami doonaan farriimaha khaladan ee halista ku ah faayraska.

Balse Mr Trump oo arrintan ka hadlay ayaa arrinta u arko shirkadda iney tifatirtay farriintiisa.

Bishi May ayey ahayd marki ugu horreysay oo ay Twitter farriin digniin ah u dhigtay barta madaxweynaha uu ku leeyahay, taasoo sababtay inuu madaxweyne Trump amar sare uu ka bixiyo Faqradda 230-aad ee sharciga arrintan shirkadda u fasaxayo in wax laga beddelo.

Amarka madaxweynahana waxaa soo dhaweeyey dhinacya badan oo sababa kala duwan arrintan u xiiseynayey.

Muxuu yahay amarkan cusub ee uu saxiixay Trump?
Amarkan madaxwayne ayaa amraya in la sii qeexo sharciga isgaarsiinta oo ah sharci ka jira Mareykanka kaasi oo xaaladaha qaar difaacaya shirkadaha online-ka sida Facebook, Twitter iyo shirkadda YouTube.

Faqraada 230 ee sharcigani, ayaa shirkadaha baraha bulshada waxa aysan qaadayn masuuliyadda qoaraalada ay soo dhigaan dadka barahooda isticmaala, balse waxay hawada ka saari karaan” qoraalada aflagaadada iyo anshax xumada ku saabsan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa “sida ugu dhaqsiyaha badan” u bilaabi doona isku dubaridka amarkan cusub si ay aqalka congreska ugu codeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here