Nin Naftiisa U Galaaftay 20 Dolar Oo Wabi Kaga Dhacay

0
531

Nin Naftiisa U Galaaftay 20 Dolar Oo Wabi Kaga Dhacay

Ninkan ayaa u qarqoomay ka dib markii uu ka booday buundo dheer oo uu isku tuuray wabi ku yaal caasimadda Liberia, Monrovia, si uu u soo helo $ 20 oo ka dhacday, afhayeenka booliska Moses Carter sida uu sheegay.

Ninkan oo ka mid ahaa dadka suuqa wax kula wareega, oo lagu magacaabi jirey, Tamba Lamine ayaa isku deyey inuu raadiyo lacagtaas, sida ay u filayeen in uu soo heli doono dadkii daawanayay, ayuuba isagii qarqoomay, ayuu yidhi.

Mr Lamine wuxuu la socday saaxiibkiis, iyaga oo marayey buundada korkeeda markii warqadda lacagtu ka dhacday.

Wuxuu dareemay cadaadis inuu dib u helo lacagtii maxaa yeelay wuxuu ku qasbanaa inuu siiyo saaxiibkiis $ 5 oo ku lahaa lacagtaas, ayuu yidhi Mr Carter.

Labaduba waxay si wada jir ah u iibiyaan badeecooyin, ayuu intaasi ku daray afhayeenka boolisku.

Doollarka Mareykanka waxa uu barbar socdaaa oo lagu ganacsadaa doolarka Liberia gobolka Galbeedka Afrika, kaas oo ay aas aaseen addoomo Mareykan iyo Caribbean ah.

Weliba wuu kusii xoog badan yahay doollarku, iyadoo qiimaha lacagta waddanku ay hoos u dhacayso, dadku waxay aad u doonayaan inay helaan lacagta doolarka, ayuu yidhi weriyaha BBC-da ee Monrovia, Jonathan Paye-Layleh.

Mr Lamine maydkiisa weli lama soo helin, ayuu yidhi Mr Carter, afhayeenkii boolisku.

Wuxuu ku haftay wabiga Mesuradu, oo mara inta u dhexeysa dhul weynaha Monrovia iyo degmada warshadaha ee Jasiiradda Bushrod.

Dadweynihii isugu soo baxay buundada ayaa u maleeyay in Mr Lamine uu nabad qabo ka dib markii uu ka soo baxay biyaha si uu u tuso lacagta, laakiin ka dibba isla markiiba waa la waayay oo dib uma uusan soo bixin, ayuu yidhi Mr Carter.

Ku hafashada webiga aad ayey u yartahay, Mr Lamine geeridiisa ayaa murugo aad u weyn ka dhalisay dalkaasi ayuu yidhi wariyeheenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here