Ciidanka Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Gobolka Gedo

0
374

Ciidanka Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno degaanka Yeedoow oo 25km dhinac waqooyi kaga beegen Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kenya ay halkaasi ka sameeyen Howlgal ay ku laayen dad shacab ah oo ku noolaa degaankaas.

Khasaare Dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkaas ay Ciidanka Kenya ku qaadeen dad shacab ah oo sida la sheegay ku sugnaa guri ay dagganaayeen, waxaana ay dileen hal qof oo shacab ah, halka ay dhaawaceen seddex kale.

Aabbaha dhalay wiilka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si gardarro ah loo dilay wiilkiisa, waxaana uu sheegay in Ciidanka Kenya ay qaateen Maydkii Marxuumka ay dileen iyo sidoo kale dhalinyaradii kale ee ay dhaawaceen.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax tuhun ah oo ay ka qabeen Ciidanka Kenya dhallinyarada ay dilka iyo dhaawac u gaysteen, balse waxaa uu sheegay Aabbaha dhalay Wiilka la dilay in si daan-daansi ah ay xuduudka uga soo gudbaan Ciddanka Kenya sidaasna ay ku gumaadaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanadaas.

Tiro dhowr jeer ah ayaa waxaa soo baxay qaylo dhaanta kasoo yeeraysa dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Xuduudka uu Gobolka Gedo la wadaago Kenya, iyadoo Kenya ay laayaan dadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan degaanadaas, waxaana inta badan ay sheegaan oo mar-marsiyo ka dhiganayaan in ay dilaan xubno ka tirsan dagaalamyaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here