DEG DEG:-Golaha Shacabka Oo Codka Kalsoonida Siiyay R/Wasaaraha Cusub

0
344

DEG DEG:-Golaha Shacabka Oo Codka Kalsoonida Siiyay R/Wasaaraha Cusub

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 215 Xildhibaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Cod gacan taag ah kalsoonida ku siiyay 215 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulan shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada u codeynta Ra’iisul Wasaaraha, isagoona shaaciyay in la ansixiyay Maxamed Xuseen Roobe.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Mudane Maxamed Roobe ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen, isagoona la sugayo inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here