Madaxwayne Trump Oo Shaaciyay In Aanu Si Nabad Ah Xilka Ku Wareejin Doonin Hadii Laga Guulaysto

0
642

Madaxwayne Trump Oo Shaaciyay In Aanu Si Nabad Ah Xilka Ku Wareejin Doonin Hadii Laga Guulaysto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in si nabad uu xilka ku wareejiyo haddii laga guuleysto doorashada bisha Nofembar ka dhaceysa halkaas.

“Hagaag, waa in dhammaanteen aan ka dhuursugnaa waxa dhici doonaa” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad.

Wuxuu rumeysan yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamada ugu sarreyso dalkaas xilli uu shaki ka muujinayo codeynta dhanka boostada.

In badan oo kamid ah gobollada Mareykanka waxay ku baaqayaan in doorashada ay ku dhacdo qaabka codeynta boostada si shacabka looga badbaadiyo cudurka safmarka ah ee Koroona.

Muxuu yiri Trump?
Mar weriyeyaasha ay weydiyeen Trump, xilka si nabad ah kuma wareejin doontaa haddii aad laga adkaado?

Wuxuu ku jawaabay “Waxaan si weyn uga cabanayay qaabka codeynta”

“Meesha halaga saaro qaabkan codeynta ah- marka waxay u dhaceysa si nabad ah- mana jirin doonto xil wareejin, waxaa jiri doonaa is qabqabsi”

Maxay yiraahdeen Dimuqraadiyiinta?
Joe Biden oo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Delaware wuxuu ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Trump “Mid aan macquul aheyn”

Biden waxaa quddiisa lagu eedeeyay in uu wado falal kicin ah kaddib markii bishii Agoosto uu yiri “Ma jiraa qof rumeysan in qalalaase la’aan uu ka jiri doono Mareykanka waa haddii mar kale dib loo doorto Donald Trump?”

Bishii lasoo dhaafay, Henry Clinton waxay ugu baaqday Biden in doorashadan uusan aqbalin guusha “Xaalad kasta oo lagu jiraba”

Muxuu Trump ka yiri arrinta maxkamadda sare?
Trump ayaa Arbacadii difaacay go’aankiisa ku aadan cidda uu usoo magacaabi doono inay kamid noqoto garsoorayaasha maxkamadda sare kaddib geeridii dhawaan ku timid haweeneydii ka tirsaneyda maxkamaddaas, wuxuu ku rajo weyn yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamadda sare.

“Waxaan filayaa in doorashada ay ku dambeyn doonto maxkamadda ugu sarreyso, waxaana filayaa in muhiim ay yihiin garsoorayaasha sagaalka ah ee maxkamadda sare” ayuu yiri Trump.

Wuxuu sheegay in haweeney uu Sabtida usoo magaacabi doono cidda kamid noqoneyso garsooyaasha maxkamadda sare, wuxuuna ku baddali doonaa Ruth Bader Ginsburg oo jimcihii geeriyootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here