Madaxweyne Farmaajo “RW Rooble Waa Waayo Arag Oo Aan Ku Aamini Karo Xilka”

0
319

Madaxweyne Farmaajo “RW Rooble Waa Waayo Arag Oo Aan Ku Aamini Karo Xilka”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad kooban ka jeediyay kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka uga socda Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore Xildhibaanada ka dalbaday inay Codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya, iyagoona siiyay Codka kalsoonid ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay Ra’iisul Wasaaraha Cusub, isla markaana uu yahay nin xilka Ra’iisul Wasaaraha waayo aragnimo u leh, laguna aamini karo xilka.

“Maxamed Xuseen Rooble waa waayo arag oo aan ku aamini karo xilkaan, waxaa laga rabaa Ra’iisul Wasaaraha in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka ka qaadi karto meesha uu joogo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here