Kooxda Man City Oo Jabisay Rikoodh 120 Sannadood La Jabin Waayay

0
318

Kooxda Man City Oo Jabisay Rikoodh 120 Sannadood La Jabin Waayay

Manchester City ayaa guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Wolves oo marti loo ahaa.

Man City ayaa si fiican u dheeshay qeybtii hore iyagoo hogaanka ku qabtay rigoore uu u saxiixay Kevin de Bruyen ka hor inta uusan gool si qurxoon loo soo dhisay uu dhalinin Phil Foden.

Wolves ayaa fursado badan heshay qeybtii labaad laakiin waxay ka badin waayeen kaliya gool uu u soo celiyay Jimenez, laakiin waxaa ciyaarta hurdo u diray Gabriel Jesus oo gool seddexaad u saxiixay Man City waqtigii dhimashada ciyaarta.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee badisa kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka 10kii sannadood ee ugu danbeysay, markii ugu danbeysay ee rikoodhkaan la diiwaangeliyo waxay loo diiwaangeliyay Aston Villa oo badisay kulan walba oo ugu horeeya xilli ciyaareedka inta u dhaxeysay 1891/92 iyo 1900/01.

Man City waxaa kulankaan ka maqnaa Sergio Aguero oo dhaawac ah, Aymeric Laporte oo weli ka soo kabsanaya Korona Fayras halka Ilkay Gundogan xilli danbe laga saaray kooxda ka dib markii la xaqiijiyay inuu ku dhacay Korona Fayras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here