QM Oo Shaacisay In Soomaaliya Ay Ka Caawin Doonta Doorashooyinka Soo Socda

0
315

QM Oo Shaacisay In Soomaaliya Ay Ka Caawin Doonta Doorashooyinka Soo Socda

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka soo socda.

Wakiilka Xogayaha Guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xassan Maxamed ayaa waxaa ay ka wada hadleen labada mas’uul xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Arimaha sida weyn loogu faaqiday kulanka ayaa ahaa isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka soo socda.

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageertaa dhinacyop dhowr ah oo ay ugu horreeyaan dhinacyada ammaanka iyo sidoo kale dhanka Taageerada xaaladaha Bani’aadanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here