Dowladda Cameroon Oo Heegan Buuxa Galisay Ciidamo Ka Hortega Rabshadaha Hadheeyay Dalkaasi

0
302

Dowladda Cameroon Oo Heegan Buuxa Galisay Ciidamo Ka Hortega Rabshadaha Hadheeyay Dalkaasi

Dhamaan ciidamada qalabka sida ee dalka Cameroon ee dhaca galbeedka afrika ayaa heegan buuxa la galiyay afar cisho oo Beeri oo isniin ah ka bilaabaneysa.

Talaabadan ayaa ah mid dowladu ay kaga hortageyso rabshado ka dhasha dibad bax ay mucaaradku ku baaqeen maalinka talaadada ah.

Xubno ka tirsan dowlada ayaa canbaareeyay dibadbaxa uu ku baaqay hogaamiyaha mucaaradka Maurice Kamto iyaga oo ku tilmaamay rabshad abuur iyo kicin dowlada looga soo horjeedo.

Mucaaradku waxay ku baaqayeen dibad bax nabadeed oo ay ku dalbanayaan in uu xafiidka baneeyo madaxweynaha Cameroon Paul Biya iyo in dib u habeyn lagu sameeyo doorashooyinka gobalka af ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi ku yaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here