Turkiga Oo War Hadda Soo Saartay Ku Aaday Soomaaliya

0
496

Turkiga Oo War Hadda Soo Saartay Ku Aaday Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxii loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ee shalay lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka ku taalla agagaarka Garoonka Stadium Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas lagu weeraray Xerada Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga ee Muqdisho, isla markaana ay Cambaareynayaan.

Turkiga ayaa waxaa ay tacsi u dirtay Askarta iyo dadkii shacabka ahaa waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas, iyagoo kuwa ku dhaawacmay halkaas Alle uga baryay inuu Caafimaad Deg Deg ah siiyo.

“Magaalada Muqdisho waxaa naga soo gaaray war aad u naxdin badan, aad baana uga xunahay 8-dii Askari ee naftooda ku weyday iyo kuwii kale ee ku dhaawamay Qaraxaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Turkiga.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Xerada Guutadda 12-ka Appil ee Ciidanka Xoogga, iyagoona sheegay in qaraxaas ay ku dileen in ka badna 20 Askari, halka kuwo kalena ay ku dhaawacameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here