ICG: Abiy Ahmed laba ujeedo ayuu ka leeyahay heshiis dhex mara DF iyo Somaliland

0
645

ICG: Abiy Ahmed laba ujeedo ayuu ka leeyahay heshiis dhex mara DF iyo Somaliland

Ururka Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG (International Crisis Group) ayaa warbixin uu soo saaray uga hadlay wada-hadallada DF iyo maamulka Somaliland iyo ujeedada uu ka leeyahay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo gadaal ka riixaya.

Abiy ayaa bishii February waxa uu xafiiskiisa ku kulan siiyey madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, wuxuuna kadib ka shaqeeyey wada-hadalladii bishii June ka dhacay Jabuuti ee labada dhinac, oo ay sidoo kale ku lug lahaayeen Mareykanka iyo Midowga Yurub.

ICG ayaa sheegtay in Abiy Ahmed uu leeyahay laba ujeedo oo mid ay tahay gudaha dalkiisa midna ay ku lgu leedahay danta uu ka leeyahay Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay Itoobiya ay dan dhaqaale ka leedahay Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ama Somaliland, kuwaas oo haddii aanay heshiin Muqdisho iyo Hargeysa ay adkaan doonto.

“Itoobiya waxay iminka xiriir xooggan la leedahay dowladda federaalka oo aay taageero ciidan siiso. Waxay sidoo kale dan weyn ka leedahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Somaliland. Dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami 19% ayaa muhiim u ah dalka aan badda lahayn ee Itoobiya iyo isku dayga uu ku doonayo inuu bad ku helo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Balse way ku adkaan doontaa Itoobiya inay ku guuleysato hadafyadeeda haddii maqaamka siyaasadeed ee Somaliland aan xal loo helin, islamarkaana ay sii socoto cadaawadda ka dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho. Dib u heshiisiin ay dhex dhigto labada dhinac waxay xaqiijin kartaa inay Itoobiya ka caawiso in danaheeda dhaqaale ee Berbera ay la jaan qaaddo xiriir siyaasadeed oo qota dheer.”

Warbiixnta ICG ayaa sheegtay in danta labaad ee Abiy ay tahay inuu heshiis dhex-mara DF iyo Somaliland ku damiyo xiisad siyaasadeed oo kaga furan gudaha dalkaas.

“Abiy waa nin ay gudaha Itoobiya ku haystaan rabshado iyo kooxo. Guul diblomaasiyadeed oo muuqata waxay wanaajin doontaa sumcaddiia, waxayna sii xoojin doontaa shaqooyinkii nabadeed ee dhowaanahan uu ka qabanayey gobolka – sidii heshiiskii uu la galay Eritea ee uu ku helay abaal-marinta Nobel Peace Prize,” ayey tiri warbixinta ICG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here