DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
377

DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu sigaar ah uga dhacay lagu magacaabo Luul Yamini oo ku taala meel aad ugu dhaw Kontaroolka laga ilaaliyo Xabsiga dhexe.

Uuro madow ayaa qaraxa kadib isku shareertay cirka, taasi oo laga arkayay Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale la maqlayay rasaas xoogan oo fureen Ciidamo ka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa si Deg deg ah u tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas ay ka wadaan baaritaao kala duwan oo ku aadan qaraxa.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here