Duulimaadyada caalamiga oo maanta dib u bilaabanaya iyo Amaro la soo rogay

0
402

Duulimaadyada caalamiga oo maanta dib u bilaabanaya iyo Amaro la soo rogay

Waxaa maanta dib loo furay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, kaddib muddo afar bilood oo hakad la geliyay, taasoo ka dambeysay markii uu adduunka oo dhan aad uga faafay cudurka Coronavirus.

Maamulka Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta dib loo furayo duulimaadyadii caalamiga ahaa, isagoo xusay inay u diyaar garoobeen howl maalmeedkooda shaqo ee ku aadan sidii loo wajihi lahaa xaalada wali ka taagan cudurka Coronavirus.

“Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19 ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.

Sidoo kale waxaa horay u jiray amar ay soo saartay Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in dadka imaanaya dalka ay heystaan warqad caddeyneysa xaaladooda caafimaad, sida in laga soo baaray cudurka Coronavirus, baaritaankaas oo ka soo bilaabanaya 72 saacadood.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay duulimaadyada caalamiga 19 bishii sedexaad ee Sanadkaan 2020 kaddib markii kiiskii ugu horeeyay ee Covid-19 laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here