Jaamacadda Carabta oo caddeysay mowqifkeeda wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0
409

Jaamacadda Carabta oo caddeysay mowqifkeeda wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Axmed Abul-qeyd ayaa soo dhoweeyay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee dhowaan uu marti geliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa dhambaal uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana uu ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wada hadalada dib u bilowday ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Axmed Abul-qeyd ayaa u xaqiijiyay Madaxweyne Farmaajo taageerada Jaamacadda Carabta ay la garab taagan tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u heshiisiinta, horumarka, Nabadgelyada iyo xasiloonida.

Sidoo kale waxaa uu boggaadiyay dadaalka Madaxweynaha Jabuuti iyo gogosha uu fidiyay, waxaana uu muujiyay taageerada buuxda ee ay Jaamacadda carabta u hayaan dadaal kasta oo lagu mira dhalin karo hannaanka wada hadalada.

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee dib uga bilowday dalka Jabuuti ayaa suura geliyay in labada dhinac dib isku soo laabtaan, kaddib sanado wada hadalada hakad ku jireen, sidoo kale waxaa labada dhinac magacaabeen Guddi farsamo ah oo ka xaajoonaya qodobada laga saaray war murtiyeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here