Kulan Xasaasi Oo Yeelan Lahaayen Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaqday

0
390

Kulan Xasaasi Oo Yeelan Lahaayen Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaqday

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeelan ahaa Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Ajendaha kulankaas oo dhawaan la isugu yeeray Golaha ayaa waxaa uu ahaa ansixintia labada xubnood ee Guddida doorashooyinka ee xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Golaha Wakiilada dib loo dhigay muddo 7 cisho, iyadoo aan weli wax faah faahin laga bixin sababta keentay in kulankaas uu baaqdo.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay Xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen Doorashooyinka Somaliland, iyagoo xiligaas waayay Codkii ay ku ansixi lahaayeen Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here