Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Xeerka Qoondada Haweenka

0
395

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Xeerka Qoondada Haweenka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya mid ka mid ah afarta xeer ee doorashooyinka, kaasoo ay dhowaan soo gudbiyeen Guddigii Wadajirka ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Xeerka maanta la doodayo ayaa ah xeerka qoondada Haweenka, kaasoo Guddiga isku raacay in Haween kaliya ku tartamaan kuraasta haatan ku fadhiyaan, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee haatan ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.

Howlwadeenada Baarlamaanka ayaa xalay farriin qoraal u diray Xildhibaannada, si ay u soo xaadiraan kulanka maanta, si looga doodo ajandaha horyaala.

Afarta xeer ee ay soo diyaariyeen Guddigii Wadajirka ahaa ee dhameytsirka xeerarka doorashooyinka ayaa mid mid looga doodi doonaa, waxaana marka dooda la soo gabagabeeyo cod loo qaadi doonaa.

Hase ahaatee qodobka maanta laga doodayo ayaa dad kala duwan waxay ka soo horjeesteen inay haween kaliya ku tartaam kuraasta qaar, isla markaana kuraasta qaar aan haween kaliya loo gaar yeelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here