Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Coronavirus Ee Deegaanada Somaliland

0
392

Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Coronavirus Ee Deegaanada Somaliland

Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19 halka dad horleh ay u geeriyoodeen.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 18 qof kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo kala jooga Magaalooyinka, Hargeysa,Burco iyo Berbera,isla markaana ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in laba Ruux oo horleh oo deganaa Magaalada hargeysa ay Cudurka u dhinteen taas oo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 21 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 304 Ruux 40 Qof ay ka bogsoodeen halka 21 qof ay u geeriyoodeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here